Arsenal Oo Guuldaro Kala Soo Kulantay Kooxda BATE, Qiimaynta Ciyaartoyda Gunners, Alexandre Lacazette Oo Kaadhka Cas Loo Taagay Iyo Emery Oo Go’aankii Ozil Lagu Eedeeyay.

0
241

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala soo laabtay kulankii lugtii hore ee wareega 32ka kooxood ee UEFA Europa League kadib markii ay kooxda Unai Emery ku fashilantay in ay ka soo kabsato gool ay BATE heshay qaybtii hore ee kulankan waxayna Gunners hadda ku tiirsanaan doontaa natiijada kulanka Emirates Stadium.

Kooxda BATE ayaa guushan ku gaadhay gool madax ahaa oo uu xidiga kooxda BATE ee Stanislaw Drahun kaga awood batay Sead Kolasinac  isla markaan uu ku garaacay goolhaye  Petr Cech wuxuuna ahaa goolka ay Arsenal ka soo kabsan kari wayday.

Jamaahiirta kooxda Arsenal ayaa cadho wayn ka muujiyay in Mesut Ozil uu kooxdooda ka maqnaa waxayna sababta guuldarada Gunnars soo gaadhay ay salka u saareen in Emery uu ahaa kan go’aanka qaldan ku gaadhay in uu cadaadiska ku sii hayo Mesut Ozil.

Markii qaybtii hore soo dhamaatay ayay Arsenal barteeda twitterka soo dhigtay natiijada qaybtii hore oo ahayd isla natiijada ay guuldarada kula soo kulmeen laakiin fariimo tiro badan ayay jamaahiirta Gunnars ku soo bandhigeen in maqnaanshaha Mesut Ozil uu sabab u ahaa guuldarada kooxdooda.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ayaa xataa waqtigii nashada dalbaday in Mesut Ozil diyaarad la soo saaro si uu qaybti labaad u ciyaaro laakiin wax walba oo ay Gunners iskugu dayday in ay qaybtii labaad soo laabto ayay ku fashilmeen.

Alexandre Lacazette ayaa kaadhka cas loo taagay taas oo sii xumaysay rajadii Gunners wuxuuna sidoo kale seegi doonaa kulanka lugta labaad ee Europa League ee ay Gunners soo dhawayn doonto kooxda BATE oo hadda rajo fiican ka heshay guusha 1-0 ka ah ee ay Arsenal ka heshay.

Qiimaynta Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulankii BATE:

Lacazette ayaa noqday xidiga ugu liita ee qiimaynta ugu hoosaysa helay halka Sead Kolasinac iyo Granit Xhaka ay yihiin labada xiidg ee sidoo kale kulankan sida xun ugu fashilmay halkan ka eeg qiimaynta ciyaartoyda Arsenal ee kulankii BATE.

ARSENAL XI: Petr Cech 5 , Laurent Koscielny 6 , Shkodran Mustafi 5 , Nacho Monreal 5 , Ainsley Maitland-Niles 6 , Matteo Guendouzi 7  , Granit Xhaka 4 , Sead Kolasinac 4 , Alex Iwobi 6 , Henrikh Mkhitaryan 6 , Alexandre Lacazette 3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here