Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Inay Isku Diyaarinayso Nolol Bilaa Lionel Messi Ah

0
32

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Barcelona, Josep Maria Bartomeu ayaa ku dhawaaqay in kooxdiisu ay isku diyaarinayso nolol cusub oo aanu qayb ka ahayd xiddigooda Lionel Messi.

Barcelona ayaa bishii hore waxay ku dhawaaqday heshiis ku kacay £65 milyan oo ay la gashay da’yarka Frenkie de Jong oo ay kala soo wareegayso Ajax, hase yeeshee waxa kasii horreeyey laacibiin tiro badan oo labadii sannadood ee ugu dambeeyey yimid garoonka Camp Nou oo ay ka mid yihiin Malcom oo xalay gool qurux badan ka dhaliyey Real Madrid, Philippe Coutinho, Arthur iyo kuwo kale.

Kulankii xalay ee El Clasico waxa qaybtii hore kaydka fadhiyey Lionel Messi oo dhaawac fudud ka qabay muruqa lugta, waxaana qaybtii dambe oo uu soo galay uu isbeddel ku samayn kari waayey natiijadii uu ciyaarta ugu yimid oo ahayd 1-1.

Laacibka reer Argentina oo ay da’diisu tahay 31 jir, ayaa waxa uu Barcelona u saftay 664 ciyaarood, waxaanu u dhaliyey 581 gool, taas oo ka dhigtay ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Barcelona iyo sidoo kale horyaalka LaLiga ee waddanka Spain.

Da’diisa weynaanaysa darteed, Barcelona waxay haddaba ku jirtaa sidii ay ugu diyaar garoobi lahayd inay u ciyaarto marka uu Messi ka fadhiisto, isla markaana ay u yarayn lahayd saamayntiisa ee ay kalsooni u heli lahaayeen xiddigaha tirada badan ee ay haystaan.

Arrintan waxa daboolka ka qaaday madaxweyne Josep Maria Bartomeu  oo waraysi siinayey barnaamijka the 5 live Football Daily Podcast ee uu daadihiyo khabiirka ciyaaraha Spain ee Guillem Balague.

“Waan ogahay in maalin uu Lionel odhan doono hawlgab ayaan noqonayaa, markaa waa inaanu u diyaarino kooxda mustaqbalka.” Sidaas ayuu yidhi Bortameu.

“Waxa aanu keenaynaa ciyaartooyo wanaagsan oo da’yar, sababtoo ah, waxaanu u baahanahay inaanu sii wadno guulaha, waana masuuliyaddayada.” Ayuu raaciyey.

Heshiiska uu Messi kula jiro Barcelona waxa uu dhamaan doonaa laba sannadood kaddib, lamana hubo in uu u kordhin doono iyo inuu markaas kaddib ka bixi doono, iyadoo mar hore uu sii sheegay in koox ka dhisan waddanka Argentina uu kaga fadhiisan doono ciyaaraha.

Intii uu Lionel Messi u ciyaarayey Barcelona, waxa uu kula guuleystay sagaal koob oo LaLiga ah, Afar Champions League iyo lix Copa del Rey, waxaanu mar kale sannadkan u wada tartamayaa Champions League, LaLiga iyo Copa del Rey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here