Home Blog

Deg-Deg:- Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xubno katirsan DFS oo gowr dhaw gaaray Baladwayne.

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Image result for hassan sheikh mohamud safar

Xildhibaano katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qayb ka ah wafdiga Xasan Sheekh Waxayna la kulmi doonaan maamulka iyo qaybaha Bulshada gobolka Hiiraan sida ay sheegay xubno wafdiga katirsan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku wajahan dalka Kenya – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – – –

0

Muqdisho, March 5, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.


Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka. 


Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal. 


Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed. 


Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed.


DHAMMAAD

Wadaad Koonfur Afrika u Dhashay oo Sheegtay Inuu Dadka Dhintay Soo Nooleeyn Karo

0

Ruwaayad uu isku soo dubariday wadaad reer Koonfur Afrika ah, ayaa ka qabsoontay gudaha Kaniisad ku taalla magalada Johannesburg  si uu dadka uga dhaadhiciyo inuu leeyahay awood cajiib ah oo dadka dhintay uu ku soo nooleyn karo, iyadoo wadaadkan lagu eedanayo inuu doonayo inuu ka faa’iidaysto dadka murugeysan ee waayay ehelkii ay jeclaayeen.

Dhacdadan ayaa ku bilaabatay kadib markii wadaadka Alph Lukau uu muwaadiniin badan iskugu keenay gudaha Kaniisad ku taalla meel u dhow caasimadda Koonfur-afrika, si ay uga markhaati noqdaan habka uu u soo nooleynayo dadka dhinta.

Sida ay sheegtay jariidada Daily Mail, shirkadda aaska ee uu wadaadkani la heshiiyay si uu naxasheeda u isticmaalo, ayaaba dacwad ka gudbisay, iyagoo ku eedeeyay inuu sumcaddii shirkaddu ay hoos u dhacda isla markaana ay dhibaato ka soo gaartay.

Shirkaddan ayaa sheegtay in qoys ay ku soo wargeliyeen in wiilkoodu uu dhintay oo ay soo gaarsiiyeen shirkadda in meydka loo aaso isla markaana ay doonayaan iney shirkadooda adeegsadaan, iyagoo aan soo gudbineyn wax caddeyn ah oo muujinaya in wiilkooda uu dhintay, waxeyna diideen in wiilkooda baaritaan lagu sameeeyo, sidoo kale; ma aaney raacin waddooyinkii caadada ahayd ee marka maydka la aasayo la mari jiray, shirkaddu waxey sheegtay in loo sheegay oo qura in la doonayo in naxashkeeda la isticmaalo.

Muuqaal baraha bulshada aad looga hadal hayo, ayaa waxaa ka soo dhex muuqanaya wadaadkani oo gacmihiisa dhanka sare u dhaqaajinaya dhowr jeer isagoo maykarafoon wata gudaha kaniisadda ducooyin kala duwanna akhrinaya, marka uu ku dhawaaqo magaca Jesus, ayaa qofkii inuu tilmaamay inuu maydka yahay uu naxashkii uu ku jiray uu kasoo kacayaai, masraxiyaddan waxey ka gadmi weyday dadkii goobta joogay oo ku jeesjeesay dhacdadan.

Sidaas oo kale, waxey jariidadu sheegtay in kaniisaddii uu dhacdadan ku dhex sameeyay ee uu jilliinka ku dhigay ay dacwad ku furtay wadaadgtay oo ay maxkamad la tiigsaneyso.

Xog: Farmaajo oo berri safar ugu baxaya dal Carbeed kadib markii uu maanta kusoo laabtay Xamar

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu berri safar ugu baxo magaalada Doha ee dalka Qatar, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Safarkan ayaa la sheegay inuu daba socodo laba safar oo hore oo madaxweynaha uu ku tegay dalka Qatar oo saaxib dhow la ah dowladda.

Sida aan xogta ku helnay madaxweynaha ayaa madaxda dalkaas kala hadli doona xiriirka labada dal, iyo fulinta mashaariic iyo barnaamijyo ay horey ugu heshiiyeen labada dal, kuwaas oo lagu caawinaya Soomaaliya.

Safarkan ayaa imanaya, ayada oo uu madaxweynaha isla maanta uu dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka, xasilooni darrada iyo isbeddelka cimilada.

Soomaaliya : Cashar Diplomaasiyadeed – u Dhigtay Deriskeeda ! Wargaysa African Exponent oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer qaaradda Afrika

0

Wargaysa African Exponent oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer qaaradda Afrika, isla markaana kasoo baxa dalka Tanzania ayaa ku camirtay dalka Kenya, isagoo qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Kenya oo isku ceebaysay muranka diblomaasiyadeed ee ay ku weerartay Somalia!”

Wargayska ayaa sheegay in Kenya ay dooratay erayo ixtiraamka ka arradan, isla markaana ay ogaysiis la’aan cayrisey ergaygii Somalia u fadhiyay dalkeeda, halka Somalia ay ku jawaabtay wax muujinaya jawaabta uu bixin lahaa dal casri ah oo dunida la jaan qaadaya, taasoo buu yiri ukun fuunto ah wejiga uga jebisey Kenyan.

Kenya ayaa mar qura 2009-kii jeebka kala soo baxday dood gebi ahaanba cusub oo ay ku sheegayso inuu jiro dhul badeed ay kula muransan tahay dalka Somalia, kaddib heshiis lagu sheegay ”is afgarad” oo ay qolal mugdi ah 2009 kula saxiixatay siyaasiyiin xilligaa Somalia metelayay.

Kenyan oo tixraacaysa shirkii bandhigga shidaalka Somalia ee 7-dii Febraayo London lagu qabtay ayaa arrintaas ku tilmaantay “fal laga argagoxo oo daandaansi ah” iyadoo intii ku lug leh ku tilmaantay ”cadowga Kenya”, intaana kuma hakane waxay Kenya dalkeeda ka cayrisey danjirihii Somalia.

Gardaro AAN LOO MEEL DAYIN

Yeelkeede, Spectrum Geo website, ayaa muujinaya in baloogyada ay Kenya sheeganayso aysan xitaa ku jirin kuwii lagu bandhigay shirkii London, laba balood unbaa u dhow, qaybta 3-xagalka ah ee ay Kenya ka waddo sheekada ku dhisan ”ku qabso ku qadi mayside!”.

Wargayska ayaa haddaba qoraya, in eed sheegashada Kenya ay tahay mid lala degdegey, balse aanay jirin baahi taa keenaysa, mana keenin wax caddaynaya inay Somalia wax xaraashtay gebi ahaanba.

DF Somalia ayaa dhankeeda tiri sidatan: “Somalia ma dejinin wax qorshe ah oo hadda iyo hadhoow ah oo ku aaddan sahminta meelaha ay Kenya sheeganayso, ilaa lagu xalliyo maxkamadda ICJ.”

Wuxuu wargaysku sheegay in marka la eego jawaabta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia ay ka muuqato dadnimo, taxaddar, xeerin iyo xirfad.

Wuu sii hadlayaa oo wuxuu qoray wargayska AE, Kenya waxay tiri, “DF Somalia waxay markale caddaysay inaysan weli gaarin qaan gaarnimo siyaasadeed oo laga doonayo dowlad si wanaagsan loo agaasimey oo casri”.

Taasi waa mid u qaadan waa ah ayuu leeyahay wargaysku, waayo DF Somalia waxay jawaabteeda ku muujisay deganaanta laga doonayo dal casri ah, halka Kenya ay is ceebaysay oo ay wejiga iska gubtey.

Fadlan la wadaag saaxibadda (Share) 

W/Q Abdirizak Jubba

Macharia:-“Masoo Ceyrinin Denjire Tarsan

0

Muqdisho ( Allsomali news)-Dowladda Kenya ayaa war cusub kasoo saartay go’aankii ay dalkeeda kaga soo ceyrisay Safiirkii Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo saakay Muqdisho soo gaaray.

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Kenya Macharia Kamau, oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in safiirkooda Muqdisho u joogay ay u yeereen balse aysan dalkooda kasoo ceyrin Denjire Tarsan.

Waxa uu sheegay Macharia Kamau in warbaahinta Kenya ay si kale u tabiyeen warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay aad kaga xumaadeen sida Dowladda Federaalka Soomaaliya u iib geystay xuduudka Badda Kenya ay leedahay.

“Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaanan Safiirkooda weydiisanay inuu tago si ay dhinacooda wadahadal u yeeshaan, si aan u xalinno arrintan oo warbixinno cad oo sax ah labada dhinac u helaan”, ayuu yiri Macharia Kamau.

Dowladda Kenya ayaa u muuqata mid badashay mowfiqkeeda ku aadanaa in dalkeeda kasoo ceyrisay Denjire Tarsan,islamarkaana ay hakisay xiriirkii Diblumaasiyaadeed ay ka laheyd Dowladda Soomaaliya.

Akhriso Ujeedka Mareykanka Loogu Qaaday Meydadka Raggii Weeraray Hotel Ku Yaala Nairobi

0

Si kastaba ha’ahaatee, Saraakiil ka kala socotay Hay’adda FBI-da Maraykanka iyo  Sirdoonka Israel ee MOSAAD ayaa la sheegay inay Kenya gacan ka siinayaan baaritaanka Weerarkii ay Alshabaab bishii hore ku qaadeen Hotelka Dusit  D2 ee Nairobi oo lagu dilay Labaatameeyo qof oo ay ku jiraan Muwaadiniin u kala dhashay Maraykanka iyo Britain

Saraakii ka socotay Hay’adda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI-da ayaa la sheegay inay qaateen Haraagga maydadkii 6-dii Dagaalame ee bartamihii bishii hore weerartay Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya.

Sarkaalkaasi oo magaciisa qariyey ayaa u sheegay Wargeysja The Nairobian in maydadka 5 Dagalaame iyo haraagga mid kale oo is-qarxiyey loo qaaday dalka Maraykanka, si ay ugu soo sameeyaan Baaritaano dheeraad ah.

Saraakiisha FBI-da ayaa la sheegay inay codsadeen baaritaano dheeraad ah ku soo samaeeyaan maydadkaasi, iyadoo la aqoonsaday oo keliya Ninkii geystay Is-qarxintii Hoteelk Dusit D2, kaasi oo Baarayaasha magaciisa ku sheegeen Maahir Khaalid Riziqi oo 25-jir ahaa, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sarkaal ka tirsan Hay’adaha Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay Hay’adda FBI-da qaateen maydadkaasi, si ay baaritaano Teknoolajiyadeeda sarreeyso ee dhinaca DNA-da ku soo sameeyaan maydadkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee, Saraakiil ka kala socotay Hay’adda FBI-da Maraykanka iyo  Sirdoonka Israel ee MOSAAD ayaa la sheegay inay Kenya gacan ka siinayaan baaritaanka Weerarkii ay Alshabaab bishii hore ku qaadeen Hotelka Dusit  D2 ee Nairobi oo lagu dilay Labaatameeyo qof oo ay ku jiraan Muwaadiniin u kala dhashay Maraykanka iyo Britain.

Kenya Oo Xiriirka U Jartay Dowladda Soomaaliya

0

Dowlada Kenya ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya inuu ka baxo dalka Kenya.

Warkan oo goordhow soo baxay ayaa waxaa la sheegayaa in tallaabada ay dowlada Kenya qaadatay ay la xiriirto iyadoo aaminsan in dowlada Soomaaliya ay ku dartay xaraashkii ay ku sameysay shidaalka iyo gaaska Soomaaliya deegaano ka mid ah dalka Kenya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyadoo xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayay bilihii la soo dhaafay.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan magaalada London ku so bandhigtey kheyraadka shidaalka iyo gaaska ee ku jira gudaha dalka iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ahna ay ku tilmaameen kulankaasi inuu ahaa mid lagu xaraashayay shidaalka dalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeya muran salka ku haya lahaanshaha qeybo ka mid ah badweynta Hindiya iyadoo dacwadaasna ay taal Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.

Arsenal Oo Guuldaro Kala Soo Kulantay Kooxda BATE, Qiimaynta Ciyaartoyda Gunners, Alexandre Lacazette Oo Kaadhka Cas Loo Taagay Iyo Emery Oo Go’aankii Ozil Lagu Eedeeyay.

0

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala soo laabtay kulankii lugtii hore ee wareega 32ka kooxood ee UEFA Europa League kadib markii ay kooxda Unai Emery ku fashilantay in ay ka soo kabsato gool ay BATE heshay qaybtii hore ee kulankan waxayna Gunners hadda ku tiirsanaan doontaa natiijada kulanka Emirates Stadium.

Kooxda BATE ayaa guushan ku gaadhay gool madax ahaa oo uu xidiga kooxda BATE ee Stanislaw Drahun kaga awood batay Sead Kolasinac  isla markaan uu ku garaacay goolhaye  Petr Cech wuxuuna ahaa goolka ay Arsenal ka soo kabsan kari wayday.

Jamaahiirta kooxda Arsenal ayaa cadho wayn ka muujiyay in Mesut Ozil uu kooxdooda ka maqnaa waxayna sababta guuldarada Gunnars soo gaadhay ay salka u saareen in Emery uu ahaa kan go’aanka qaldan ku gaadhay in uu cadaadiska ku sii hayo Mesut Ozil.

Markii qaybtii hore soo dhamaatay ayay Arsenal barteeda twitterka soo dhigtay natiijada qaybtii hore oo ahayd isla natiijada ay guuldarada kula soo kulmeen laakiin fariimo tiro badan ayay jamaahiirta Gunnars ku soo bandhigeen in maqnaanshaha Mesut Ozil uu sabab u ahaa guuldarada kooxdooda.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ayaa xataa waqtigii nashada dalbaday in Mesut Ozil diyaarad la soo saaro si uu qaybti labaad u ciyaaro laakiin wax walba oo ay Gunners iskugu dayday in ay qaybtii labaad soo laabto ayay ku fashilmeen.

Alexandre Lacazette ayaa kaadhka cas loo taagay taas oo sii xumaysay rajadii Gunners wuxuuna sidoo kale seegi doonaa kulanka lugta labaad ee Europa League ee ay Gunners soo dhawayn doonto kooxda BATE oo hadda rajo fiican ka heshay guusha 1-0 ka ah ee ay Arsenal ka heshay.

Qiimaynta Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulankii BATE:

Lacazette ayaa noqday xidiga ugu liita ee qiimaynta ugu hoosaysa helay halka Sead Kolasinac iyo Granit Xhaka ay yihiin labada xiidg ee sidoo kale kulankan sida xun ugu fashilmay halkan ka eeg qiimaynta ciyaartoyda Arsenal ee kulankii BATE.

ARSENAL XI: Petr Cech 5 , Laurent Koscielny 6 , Shkodran Mustafi 5 , Nacho Monreal 5 , Ainsley Maitland-Niles 6 , Matteo Guendouzi 7  , Granit Xhaka 4 , Sead Kolasinac 4 , Alex Iwobi 6 , Henrikh Mkhitaryan 6 , Alexandre Lacazette 3

Farmaajo Oo Qaabilay Safiirada Cusub Ee India Iyo Nigeria

0

Muqdisho(SMN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka Hindiya iyo Nigeria ee Soomaaliya.

Danjiraha dalka India mudane Rahul Chabbra oo madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal.

Danjire Chabbra iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii labada dal u adkeyn lahaayeen xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India.

Dhanka kale, danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magcawday Soomaaliya mudane Vincent Omeokachie ayaa Madaxaweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed Bukhaari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah booliiska AMISOM ay ka qaataan nabadgelyada dalka isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria.

Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliska Amisom oo wax ka badalay qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab

0

Taliska Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM aya shaaciyay inay wax badan ka badaleen howlgalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab, islamarkaana la dajiyay qorshe cusub.

General Tigabu Yilma Wondimhunegn oo ah Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM ayaa shaaciyay iney diyaariyeen hanaan cusub oo lagula dagaalamayo Al Shabaab, waxaana uu sheegay in qorshaha koowaad uu yahay in la beegsado kaliya xarumaha rasmiga ah ee Al Shabaab,

Taliyaha ayaa sheegay inay isla garteen in meesha laga saaro qorshihii hore ee ahaa in hal mar ciidamo tiro badan iyo gaadiid ay weeraraan Al Shabaab, kuwaasi oo qaraxyo waddooyinka loo geliyo iyo weerar dhabo gal ah Al Shabaab kala kulmi jiray.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha uu qeyb ka yahay in Albaabada loo laabo saldhigyo AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka, waxaana ugu horeeya ciidamada Burundi oo ka bixi doono Shabeelaha Dhexe.

Qorshaha Cusub ee uu la yimid taliyaha AMISOM oo magacaaban 14 Maalin ayaa waxaa ku raacay saraakiisha kale ee AMISOM, waxaana la filayaa inay dhaqan geliyaan.

Taliyaha wuxuu sheegay in qorshaha qeyb ka tahay in ciidamada AMISOM ay ku duulaan goobo cayiman oo Al Shabaab ay ku sugan yihiin, kadibna ay dib ugu laaban doonaan halkii ay kasoo dhaqaaqeen.

Qorshaha ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay qorshaha ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandoonka Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida Ciidamada AMISOM sidaasi oo kale u sameyn doonaan, maadaama aysan heysan diyaarado iyo hub casri ah.

16,181FansLike
2,105FollowersFollow
66,390FollowersFollow
13,018SubscribersSubscribe

Latest posts