XOG: Hogaamiyayaasha Al shabaab oo Keensaday ilaalo ay isku Beel yihiin (Kala Shaki iyo Cabsi)

1
38

Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha ugu sareeya Ururka Al shabaab uu soo wajahay Kala shaki xoogan.

Walaacan iyo xiisadan ka dhex jirta maamulka Al shabaab ayaa waxay ka dambeysay kadib markii la sheegay in Masuuliyiin sar sare ay doonayaan inay u goostaan ururka Daacish oo dagaal kula jira Al shabaab.

Qaar kamid ah Hogaamiyayaasha Al shabaab ayaa iska bedelay ilaaladii waardiyeyn jirtay iyagoo soo dhaweystay Dhalinyaro beeshooda ah.

Madaxda sare ee Al shabaab ayaa Sirdoon qarsoon ku dhex fidiyay Hoggaamiyayaasha qaarkood si dhaq dhaqaaqdooda loola socdo.

Dagaalka u dhaxeeya Al shabaab iyo Daacish ayaa meel xun gaaray, iyadoo ugaarsi xoogan ay iskuga hayaan Saraakiisha ugu sareysa Labada dhinac, waxaana dhowr jeer dagaalo xoogan ay dhex mareen ciidamo ka kala socda labada dhinac.

C/qaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Al-Shabab ayaa Daacish ku aas-aasay 2015-kii Buuraha gobolka Bari, isagoo hadda isku dayaya inuu awoodda Kooxdiisa ku baahiyo gobolka, islamarkaana meesha ka saaro Al-Shabaab.

Labadan Kooxood ayaa khal-khal ku haya amniga Puntland, iyadoo midba mida kale ay loolan ugu jirto inay ku gacan sareyso gobolka Bari, waxayna lacago baad ah ka qaadaan ganacsatada Boosaaso, sidoo kale waxay Dilal qorsheysan isugu geystaan magaalada Muqdisho iyo Gobalada kale ee Dalka.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here