Jamaahiirta Liverpool Ma Rumaysan Doonaan – Shaxda Ugu Fiican Premier League Ilaa Haatan Oo Lasoo Saaray, Reds Oo Ay Fajac Ku Tahay & Koox Weyn Oo Wax Boos Ah Loo Waayay.

0
156

Xilli ciyaareedka 2018/19 ee horyaalka Premier League ayaa u muuqda mid kamid ah xilli ciyaareedyadii ugu wanaaganaa isla markaana ugu tartanka adkaa intii magacan loo baxshay horyaalka ugu sarreeya England.

Liverpool ayaa haatan hoggaanka afar dhibcood kaga haysa Manchester City iyadoo 15 kulan ka hadheen xilli ciyaareedka, Reds ayaa wali ah kooxda ugu cad cad ee saadaasha badan helaysa laakiin bandhiga Citizens ee sanadka cusub ayaa ah mid argagax ku ridaya.

Xaqiiqada ah in lixdii kooxood ee marka horeba la filayay ay yihiin kuwa ugu sarreeya ayaa wax sahlan ka dhigaysa in la doorto shaxda ugu fiican horyaalka ilaa haatan.

Xiddigaha kooxda booska shanaad ee Arsenal ayaa  gabi ahaanba wax boos ah ka waayay shaxdan halka kooxda kaalinta lixaad ee Manchester United ay hal ciyaartoy ku leedahay.

Shabakada caanka ah ee xog ururinta ee WhoScored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ilaa haatan iyaga oo waliba ku saleeyay xogta shaqsiga ah ee ciyaartoy kasta.

Layaabka shaxdan ayaa ah in daafacyada Ricardo Pereira oo Leicester City ka tirsan iyo Lucas Digne oo Everton qayb ka ah ay shaxdan ku jiraan iyaga oo waliba ku cusub kooxahooda.

Xiddigahaas ayaa ah kuwo wacdarro soo dhigay, Perreira ayaa soo sameeyay saddex caawinood iyo laba gool halka Digne oo saddex gool iyo saddex caawimo soo diiwaan gashaday.

Goolka ayuu si layaab leh ugu jiraa Hugo Lloris oo Tottenham ka tirsan iyagoo jamaahiirta Liverpool aan aamini doonin in Alisson oo 13 kulan shabaq nadiif ah ku baxay uu boos waayay halka sidoo kale ay yaabkeeda leedahay sida uu David Luiz uga soo hormaray daafaca dhexe ee Man City ee Aymeric Laporte.

Mohamed Salah, Harry Kane, Eden Hazard iyo Raheem Sterling ayaa dhammaantood kasoo muuqday halka gool dhaliyaha Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang oo boos waayay.

Sidoo kale xiddiga bixitaankii Mourinho ku raystay ee Paul Pogba ayaa khadka dhexe lamaane kula ah Fernandinho oo Man City u dheela.

Halkan Kaga Boggo Shaxda WHOSCORED Ay Soo Saartay Oo Samee Qiimantaada Shaqsiga Ah, Yaan U Qalmin Boos Yaadse Ku Buuxin Lahayd?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here