Ka Hor Ciyaarta Caawa, Manchester United Oo Looga Digay Edinson Cavani Oo Aan Ciyaartaba Safan Doonin

0
150

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa loo diray digniin la xidhiidha laacibka dhaawaca kaga maqan PSG ee Edinson Cavani ka hor ciyaarta ay caawa ku yeelan doonaan garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa garoonkeeda ku martigelinaysa PSG lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League, waxaana saddex toddobaad kaddib ay u safri doontaa Parc des Prince oo ah hoyga PSG oo lugta labaad ay ka dhici doonto.

Neymar iyo Cavani ayaa dibedda ka ahaan doona ciyaarta caawa iyagoo dhaawac ah, hase yeeshee Edinson ayaa fursad u heli kara lugta labaad haddii uu si buuxda uga soo kabto dhaawac ku habsaday horraantii toddobaadkan, waxaanu ka hor tegi doonaa Man United si uu uga caawiyo PSG inay ka takhalusto Red Devils iyagoo weliba ogsoon natiijada lugta hore ku dhamaatay.

Manchester United oo aan hal marna laga badinin intii uu shaqada hayey tababare Ole Gunner Solskjaer oo dhamaadka bishii December loo dhiibay xilka markii shaqada laga caydhiyey Jose  Mourinho, ayaa waxa uu caawa hoggaaminayaa naadiga reer Ingiriis kulankiisii ugu horreeyey ee Champions League.

Graig Burnley oo ah khabiir ka tirsan telefishanka ESPN, ayaa waxa uu sheegay in PSG ay mar walba tahay koox tayo leh inkasta oo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin ciyaartooyo, waxaanu uga digay inay dhayalsi sameeyaan.

“Waxay ila tahay inaanu khatar geli doono haddii aanu ka fikirno in PSG aanay wanaagsanayn dhaawacyada darteed. Marka uu soo laabto Cavani, waa haddii uu soo laabto e, lugta labaad, waxay noqon doontaa sidii kalluun nooc kale ah. Shaqsiyan, waxay ila tahay in Man United ay garoonkeeda ku guuleysanayso, laakiin isku darka labada lugood ay u badan tahay in PSG soo baxdo.” Ayuu yidhi Graig Burnley oo ka hadlayay ciyaarta caawa iyo midda labaad ee saddex toddobaad kaddib ay lugta labaad u ballansan yihiin.

Maqnaanshaha Cavani iyo Neymar ayaa waxay ku qasbi doontaa PSG inay iska garab ciiyaarsiiyo Kylian Mbappe, Angel di Maria iyo Julian Draxler, iyadoo sidoo kalena ay jiraan ciyaartooyo badan oo uu tababare Tuchel usoo xulan karo boosaskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here