Macharia:-“Masoo Ceyrinin Denjire Tarsan

0
85

Muqdisho ( Allsomali news)-Dowladda Kenya ayaa war cusub kasoo saartay go’aankii ay dalkeeda kaga soo ceyrisay Safiirkii Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo saakay Muqdisho soo gaaray.

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Kenya Macharia Kamau, oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in safiirkooda Muqdisho u joogay ay u yeereen balse aysan dalkooda kasoo ceyrin Denjire Tarsan.

Waxa uu sheegay Macharia Kamau in warbaahinta Kenya ay si kale u tabiyeen warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay aad kaga xumaadeen sida Dowladda Federaalka Soomaaliya u iib geystay xuduudka Badda Kenya ay leedahay.

“Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaanan Safiirkooda weydiisanay inuu tago si ay dhinacooda wadahadal u yeeshaan, si aan u xalinno arrintan oo warbixinno cad oo sax ah labada dhinac u helaan”, ayuu yiri Macharia Kamau.

Dowladda Kenya ayaa u muuqata mid badashay mowfiqkeeda ku aadanaa in dalkeeda kasoo ceyrisay Denjire Tarsan,islamarkaana ay hakisay xiriirkii Diblumaasiyaadeed ay ka laheyd Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here