NISA Oo Sheegtay In Ay Hub Ka Soo Furatay Al Shabaab

0
8

Afgooye -War ka soo baxay hay’adda NISA yaa looga hadlay howlgal qorsheysan oo Ciidamada amnigu ay ka fuliyeen tuulada Forsooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkan oo dhacay labadii bishan ayaa la sheegay in lagu dilay illaa 40 ka tirsanaa Al Shabaab, sidoo kalena looga soo furtay hub badan.

NISA ayaa intaasi ku daratay in Ciidamadu ay burburiyeen goobo ay Al Shabaab dadka uga qaadi jireen Zakawaat-ka.

“Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub ku soo furtay, laba goobood oo Al Shabaab dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo Al Shabaab looga dilay ilaa 40 xubnood” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Muddooyinkii dambe Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here