C/risaaq Cumar “Dowladda Soomaaliya ha sii ambaqaado wadahadalkii aan la furnay Al-Shabaab xiligaan xafiiska fadhinay”

0
11

Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in wada hadal lala furo Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 15 qof.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in dagaal oo kaliya aan lagaga adkaan karin Al-Shabaab, kaasoo soo socday in ka badan 10 sano, walina aan dhamaan, wuxuuna taa bedelkeed talo ahaan u soo jeediyay in miiska wada hadalka lala fariisto dadka ay ka go’do talada ee Kooxdan

Xiligii uu ahaa Wasiirka amniga Somaliya ayuu sheegay inuu u bilaabmay wadahadal isaga iyo Al-Shabaab, balse markii xilka laga qaaday uu istaagay, wuxuuna tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka uu xilka ku wareejiyay ee Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu ka dalbaday inay halkeeda ka sii wadaan wada xaajoodka.

“Al-Shabaab waxaan aaminsanahay in lala fariisto inay mudanyihiin in waqtigeeda la gaaray in lala fariisto, waa ogtahay maalin dhaweyd Mareykanka wuxuu la galay qoladii Talibaan uu la dagaalamayay mudo ko dhow 20 sano, Shabaab dad Soomaaliyeed waaye dadka howshaan wada koow in lala fariisto waan qabaa, annaga Wasiirka waqtigii aan ahaa Al-Shabaab wadahadal waa ogolaayeen” ayuu yiri C/risaaq Cumar.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo Saddex cisho ay ka harsan tahay mudada ay u buuxsameyso labada sano ee ka soo wareegatay xilligii la doortay, ayaa markii uu xilkan u tartamayay baarlamaanka ka hor sheegay inuu laba sano gudeheed ku soo afjarayo Kooxda Al-Shabaab, taasoo u muuqata mid aan waxba ka dhaqan gelin.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaan deegaaano kala wareegin Shabaabka labadan sano ee uu xukunka heyso, tiiyoo ay u sii dheertahay in Shabaabku weerareen ku dhowaad 5 jeer Kontoroolada laga ilaaliyo Madaxtooyada Villa Somaliya ee kala ah, Midka Sayidka, Kan Tiyaatarka iyo midka kale ee Beerta Nabada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here