Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Fariin U Diray Mucaaradka Dowladda

0
57

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo soo duubay Muuqaal cusub ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Ugu horreyn Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa si adag uga hadlay khilaafka Siyaasadeed ee haatan ka jira dalka.

Waxaana uu uga digay Siyaasiyiinta Mucaaradka in ay dumiyaan Dowladda uu majaraha u hayo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aweys oo haatan Xubsi guri ku ah Magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muunjiyay horumarka ka jira dalka.

Waxaan uu hoosta ka xariiqay in isbadallo badan ay jiraan, islamarkaana loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato horumarkaasi iyo dhismaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here