Shirkadda NIKE Oo Doonaysa In Magaca Laga Beddelo De Jong Iyo Lambarka Uu Xidhan Doono Oo Laga Saarayo Laacibka Waqtigan U Xidha Barcelona

0
91

Shirkadda samaysa dharka ee NIKE ayaa doonaysa in magaca De Jong laga beddelo saxeexa cusub ee Barcelona isla marka uu soo gaadho garoonka Camp Nou dhamaadka xili ciyaareedkan, isla markaana maaliyaddiisa dhabarka lagaga qoro magac kale.

Barcelona ayaa bishii January ku dhawaaqday inay Frenkie de Jong lacag badan kaga iibsatay Ajax, hase yeeshee waxa uu kusii sugnaan doonaa kooxda laga gatay inta ka dhiman xili ciyaareedka, waxaanu xagaaga ka degi doonaa waddanka Spain oo uu ka mid noqon doono ciyaaryahannada Barcelona.

Shirkadda NIKE oo ah midda samaysa dharka ay  ku ciyaarto Barcelona, ayaa waxay u sheegtay ciyaartoyga magaca ay tahay in dhabarka lagaga qoro garanka uu ugu ciyaari doono Barcelona iyo sidoo kale lambarka uu qaadan doono.

21 jirkan oo waraysi siiyey warbaahinta Het Kontakt ayaa waxa uu sheegay in Nike ay u sheegtay magaca iyo lambarka ay la doonayaan, kaas oo ah mid meesha ka saaraya magaciisa hadda ee De Jong.

Nike waxay u sheegtay De Jong in loo baahan yahay in magaca De Jong oo ah midka awowgii aan lagu qorin dhabarkiisa, hase yeeshee loogu qoro magaca Frenkie oo ah midka uu isagu leeyahay.

“Bisha July waxa aan heshiis rasmi ah u saxeexi doonaa Barcelona oo aan ku sugnaan doono. Waxa aan jecelahay inaan xidho lambarka 21 oo ah lambarkayga hadda aan u xidho Ajax. Nike na waxay doonaysaa inaan isticmaalo ‘Frenkie’ oo lagu qoro shaadhkayga, taas oo dhinaca suuqa uga wanaagsan, inkasta oo aanan hubin waxa aanu samayn doono.” Sidaas ayuu yidhi De Jong.

De Jong waxa kale oo uu ka hadlay qaabkii uu ku bilowday heshiiskii uu kaga mid noqday Barcelona, waxaana uu yidhi: “Bilowgii hore, kooxuhu waxay la xaajoonayeen wakiilkayga, laakiin markii ay arrintu meel adag gaadhay, aniga ayaa ku lug yeeshay. PSG ayaa doorasho wanaagsan ahayd, laakiin Barcelona waxay ahayd riyadayda, waanan ku faraxsanahay inaan shan sannadood u saxeexay. Haddii aan noqdo mid la guuleysta, waxa suurtogal ah in aanan weligay ka tegin, sida Messi oo kale.”

Lambarka 21 ee uu De Jong sheegay inuu jecel yahay, shirkadduna la doonayso ayaa waxa Barcelona u xidha da’yarka Carles Alena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here