Garoowe (Allsomalinews Online)

Digreeto maanta kasoo baxday madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in gabi ahaan madaxweyne Dr Siciid Deni uu ku hakiyay booqashadii ay siyaasiyiinta xilal doonka ah iyo bulshada rayidka ah ugu tagi jireen xafiiskiisa taasoo wax badan iftiimisay.Related image

Inkastoo madaxtooyadu ay hakinta qaabilada uu fidin jiray madaxweyne ku sababeysay oo kaliya duruufa gaar ah oo jira awgii hadana kama marna ujeedooyin kale oo gaar ah sida in madaxweynaha uu iskaga dajinayo culeysyo ku aadan dadka iyo siyaasiyiinta xilal doonka ah ee har iyo habeen u taagan hilinka si ay ugu qanciyaan in uu kusoo daro liiska xukuumadiisa cusub ee la sugayo dhawaan.

Sidoo kale waxaan meesha ka marnayn in uu jiray kulamo wadatashi oo Madaxweyne Saciid Cabdilaahi Deni uu mudooyinkaan waday kuwaasoo la xariira magacaabista Golihiisa Wasiirada, sidoo kale waxaa jira qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada oo madaxweynaha kulamo la qaadanayay una gudbinayay cvyadooda si ay fursado shaqo uga helaan dawlada cusub ee Madaxweyne Deni uu soo dhisi doono.

Qaar ka mida dadka falaanqeeya Arimaha siyaasada ayaa sheegay in wareegtadani ay ka dhigan tahay in madaxweynuhu uu dhamaystiray xulashada Golihiisa Wasiirada isla markaan uu iyaga la qaadan doono kulan ku aadan qaabka ay u wada shaqayn lahaayeen iyo shaqooyinka ay xukuumadiisu awooda saari doonto.

Maalmaha soo socda ayaa la rajaynayaa in Madaxweyne Deni uu xukuumadiisa Cusub ku dhawaaqo taas oo soo xulisteeda uu waqti dheeri ah ku darsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here