Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa soo bandhigtay Lacago Dayn ah oo la sheegay inay ku Wareejisay Xukuumaddii ka horaysay ee uu madaxwaynaha ka ahaa Axmed Siilaanyo.
Wasiirka maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire oo hortagay Gudiga ilaalinta hantida Maamulka ayaa u sheegay in lacag gaadhaysa 80-Milyan oo Dollar oo dayn ah ay ku wareejisay Xukuumadii hore.

Ugu horreyn guddiga Ilaalinta hantida Maamulka ayaa kulan la qaatay xubnaha wasaaradda Maaliyadda waxaana kulankaasi kadib saxaafadda la hadlay Gudoomiyaha guddiga dabagalka hantida ee golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa kaasi oo sheegay in wasaaradda maaliyadda ay sheegtay in ay la tacaalayso 80Milyan oo dollar oo ay kaga tagtay xukuumadii Siilaanyo.

HALKAAN KADAAWO MUUQAALKA

Dhinaciisa isna waxaa shirkaasi jaraa’id kahadlay Wasiirka maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire oo qiray in xukuumadii hore ay lacagtaasi usheegtay walina ay gudi la’yihiin.

HALKAAN KADAAWO MUUQAALKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here