Wadaad Koonfur Afrika u Dhashay oo Sheegtay Inuu Dadka Dhintay Soo Nooleeyn Karo

0
385

Ruwaayad uu isku soo dubariday wadaad reer Koonfur Afrika ah, ayaa ka qabsoontay gudaha Kaniisad ku taalla magalada Johannesburg  si uu dadka uga dhaadhiciyo inuu leeyahay awood cajiib ah oo dadka dhintay uu ku soo nooleyn karo, iyadoo wadaadkan lagu eedanayo inuu doonayo inuu ka faa’iidaysto dadka murugeysan ee waayay ehelkii ay jeclaayeen.

Dhacdadan ayaa ku bilaabatay kadib markii wadaadka Alph Lukau uu muwaadiniin badan iskugu keenay gudaha Kaniisad ku taalla meel u dhow caasimadda Koonfur-afrika, si ay uga markhaati noqdaan habka uu u soo nooleynayo dadka dhinta.

Sida ay sheegtay jariidada Daily Mail, shirkadda aaska ee uu wadaadkani la heshiiyay si uu naxasheeda u isticmaalo, ayaaba dacwad ka gudbisay, iyagoo ku eedeeyay inuu sumcaddii shirkaddu ay hoos u dhacda isla markaana ay dhibaato ka soo gaartay.

Shirkaddan ayaa sheegtay in qoys ay ku soo wargeliyeen in wiilkoodu uu dhintay oo ay soo gaarsiiyeen shirkadda in meydka loo aaso isla markaana ay doonayaan iney shirkadooda adeegsadaan, iyagoo aan soo gudbineyn wax caddeyn ah oo muujinaya in wiilkooda uu dhintay, waxeyna diideen in wiilkooda baaritaan lagu sameeeyo, sidoo kale; ma aaney raacin waddooyinkii caadada ahayd ee marka maydka la aasayo la mari jiray, shirkaddu waxey sheegtay in loo sheegay oo qura in la doonayo in naxashkeeda la isticmaalo.

Muuqaal baraha bulshada aad looga hadal hayo, ayaa waxaa ka soo dhex muuqanaya wadaadkani oo gacmihiisa dhanka sare u dhaqaajinaya dhowr jeer isagoo maykarafoon wata gudaha kaniisadda ducooyin kala duwanna akhrinaya, marka uu ku dhawaaqo magaca Jesus, ayaa qofkii inuu tilmaamay inuu maydka yahay uu naxashkii uu ku jiray uu kasoo kacayaai, masraxiyaddan waxey ka gadmi weyday dadkii goobta joogay oo ku jeesjeesay dhacdadan.

Sidaas oo kale, waxey jariidadu sheegtay in kaniisaddii uu dhacdadan ku dhex sameeyay ee uu jilliinka ku dhigay ay dacwad ku furtay wadaadgtay oo ay maxkamad la tiigsaneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here