Waxaan Tirinayaa Maalinta Uu Lionel Messi Ciyaaraha Ka Fadhiisanayo, Aan Rajayno In Ayna Dheeraan-Alvaro Arbeloa Oo Waxyaabo Xaasaasi Ah Ka Hadlay.

0
74

Xidigii hore ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Alvaro Arbeloa ayaa soo bandhigay sida uu u sugi kari laayahay in uu arko Lionel Messi oo ciyaaraha kubbada cagta ka fadhiisanaya wuxuuna muujiyay sida xidiga reer Argentina uu dhibaato ugu ahaa kooxdiisii Madrid isla markaana uu wali Barcelona uga dhigayo koox halis ku haysa Madrid.

Alvaro Arbeloa ayaa waxyaabo badan oo Real Madrid iyo Barcelona xifiltankooda la xidhiidha ka hadlay laakiin waxa uu sheegay in Lionel Messi uu yahay xidig aad u fiican oo aanu marnaba waligii ku soo raaxaysan qaab ciyaareedkiisa xataa markii aanu ahayn ciyaartoy Real Madrid ah.

Lionel messi ayaa laba jeer saddexley ka soo dhaliyay Real Madrid waxayna amrka hore ahayd kulankii Barbaraha 3-3 da ahaa ee sanadkii 2007 kii Bernabeu ka dhacay iyo kulan kale oo Camp Nou ka dhacay kaas oo uu Messi saddexley ka dhaliyay kulankii 4-3 ahaa.

Lionel Messi ayaa sidoo kale haysta ciyaartoyga taariikhda kulanka El Clasico ee abid ugu goolasha badan wuxuuna ku hayaa 26 gool laakiin Lionel Messi ayaa bisha June ee sanadkan isku badali doona 32 sano jir wuxuuna Alvaro Arbeloa sugi kari waayay in uu Messi ciyaaraha ka fadhiisto.

Arbeloa ayaa Real Madrid ka soo ciyaaray muddadii u dhexaysay 2009-2016 laakiin waxa uu ciyaaraha ka fadhiistay sanadkii 2017 kii balse waxa uu si buuxda ugu dhex jiraa arimaha Madrid markasta oo ay xaaladu kululaato isaga oo waliba baraha bulshada Barcelona eedaymo ugu soo jeediya.

Alvaro Arbeloa ayaa yidhi: “Anigu dhibaato kuma ihi Barcelona, taageerayaasha Real Madrid dhibaato kuma aha Barcelona. Anigu markastaba waxaan doonaa in ay guuldaraystaan sababtoo ah waxay taasi u fiican tahay Real Madrid”.

Alvaro Arbeloa oo su’aal iska waydiinaya haddii uu jeclaan lahaa in Barcelona laga reebo Champions League iyo sababta ayaa yidhi: “Miyaan anigu jeclaan lahaa in ay ku fashilmaan in ay Champions league u soo baxaan? Haa ,hal koox ayaa kaa baxaysa, markastaba Barcelona waa koox tartanta, waana koox fiican”.

Intaa kadib  Alvaro Arbeloa ayaa dib u xusuustay dhacdadii caanka ahayd ee Zinedine Zidane iyo Luis Enrique ku soo dhex martay El Clasico-da wuxuuna yidhi: “Anigu markastaba waxaan u soo baxaa in iyaga la garaaco. Markastaba waxaan soo arkayay kacsanaanta El Clasico oo xataa waxaan arkay Zinedine Zidane oo gacmihiisa ku warjeeiyay qoorta Luis Enrique”.

Laakiin  Alvaro Arbeloa ayaa sheegay in uu ixtiraam badan u hayo kooxda ay xifiltamaan ee Barcelona isaga oo si gaar ah uga hadlay Lionel Messi oo uu xusay in uu tirinayo maalmaha ka hadhsan inta uu ciyaaraha ka fadhiisanayo.

Alvaro Arbeloa ayaa yidhi: “Anigu in badan ayaan ixtiraamaa Barcelona maadaama oo ay yihiin koox wayn oo haysata ciyaartoy waa wayn sida Lionel Messi oo kale. Isagu aad ayuu u fiican yahay. Anigu waligayba maan soo awoodin in aan ku raaxaysto isaga isla markaana ma filayo in aan waligay ku raaxaysan doono. Waxaan rajaynayaa in uu waqti aan fogayn ciyaaraha ka fadhiisto. Waxaan tirinayaa maalmaha!”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here